Adeegyadeenna

Waxaannu diyaar u nahay in aannu heer sare gaarsiinno ganacsigaaga ama mashruucaaga

Naqshadaynta Website-yada

Waxaan ku faraxsannahay in aan kuu dhisno website caalami ah, si aan u dhisno sumcaddaada online-ka iyo awooddaada dhijitaalka ah ee aad uga dheerayn karto tartamayaashaada.

 

 

 

Barnaamijka Teleefannada (mobile app)

Xogtii ugu danbaysay waxay sheegaysaa in 86.29% bulshada caalamku ay adeegsadaan teleefannada gacanta (siiba smartphone), haddaba waxaan diyaar u nahay in aan kuu dhisno barnaamij teleefan (mobile app) kuu gaar ah.

suuqgeynta Dhijitaalka Ah

Iska indho tirka suuqgeynta internet-ku waxay la mid tahay adiga oo ganacsi furey balse aan cidna u sheegin. Waxaan diyaar u nahay in aan kaala shaqaynno suuqgeynta dhijitaalka ah si aan kuugu soo xirno dadkii saxda ahaa.

 

 

Xiriirka Dadwaynaha

“Halkii doollar ee u danbeeyay haddii uu baxayo, waxaan ku bixin lahaa xiriirka dadwaynaha.” – Bill Gates ayaa yiri. Dadwaynuhu waxa ay kaa aaminsan yihiin ayaa muhiim ah marka ay ganacsi tagto, ama mashruuc dadka khuseeya. Xeelado iyo cilmi bay u baahan tahay sidii dadka quluubtooda aad u dagi lahayd, waxaan diyaar u nahay in aan kaala shaqaynno arrinkaas.

Muuqaallo & Sawirro

Fursad u sii kooxdayada xeeldheerayaasha ahi in ay cajab galiyaan macaamiishaada, iyaga oo duubaya muuqaallo iyo sawirro ashqaraar leh. Waxaan samaynaa muuqaallada xayaysiimaha, muuqaallada badeecadaha, muuqaallada shirkadaha, dokuminteriyada, iyo qaar kaloo badan

Latalinta Dhijitaalka Ah

Dunidu way isbeddeshay, isbeddelka xawliga ku socda ee dhanka dhijitaalka wuxuu abuuray hab-nololeed cusub oo u baahan in lala qabsado. Aan kaala talinno arrimaha dhijitaalka inta goori goor tahay, muddo kadib waxaa adkaan doona tartanka, haddii aadan hadda ka sii taxadarin.

Macluumaad Abuuris

Waxaan abuurnaa macluumaad wax-ku-ool ah. Waxaan aqoon u leennahay sida ay u shaqeeyaan injiinnada wax baara (searching engine), waxaan abuuri karnaa macluumaad ku dhisan cilmibaarista erayada (keyword research), haddana hal'abuur ku dhisan oo dadka soo jiidan kara.

Shakhsiyadda Ganacsiga

Marna ha yaraysan naqshadaha iyo summadaha muuqda ee ganacsigaaga ama mashruucaaga. Waxaan diyaar u nahay in aan kuu samaynno hagaha shakhsiyadda ganacsiga, ma ahan oo kaliya calaamadaha muuqda sida loogada, midabbada, iwm; balse waxaan kuu samaynaynaa hage guud.

Nagu Saabsan

Waxaan diyaar u nahay in aan kula shaqaynno

Isbaahi ahaan waxaan aaminsannahay "professionalism"-ka waxa la yiraahdo, taas oo ah in shaqada loo qabto sida ugu habboon ee caalamka looga qabto. Jaceyl gaar ah ayaan u qabnaa arrinkaas, waana u soo diyaar garownay, ujeedkayaguna waxaa weeye in aan dadka uga faa'idaynno.

Si guud waxaan xoogga saarnaa in caalamka dhijitaalka ah lagu yeesho boos (online presence) sida dhisidda iyo naqshadaynta "website"-yada, dhisidda "application"-nada, iyo abuuridda baraha bulshada; sidoo kale waxaan xoogga saarnaa suuqgeynta dhijitaalka ah sida; kordhinta dadka soo booqda website-ka (SEO), suuqgeynta baraha bulshada, maamulidda baraha bulshada, suuqgeynta iimeeyllada, iyo qaar kaloo badan.

Waxaan sidoo kale awoodda saarnaa xiriirka dadwaynaha (public relations), macluumaad abuurista (content creation), dhisiddda shakhsiyadda ganacsiga (branding), soo saarista muuqaallada iyo sawirrada, latalinta arrimaha dhijitaalka ah, naqshadaynta guud (graphic designs), dhisidda sooftiweerrada, iyo qaar kaloo badan.

Waxaan ku faraxsannahay in aan kula shaqaynno, si aad uga mid noqoto dadka nasiibka u helay adeeggeenna tayada leh.

 

Isbaahi Digital Agency