smartmockups_lfhzj524
digital (2)
(>English Version<)
waannu dhagaysan, Waannu fahmin, Deedna ka shaqaysiin

Waxaannu nahay shirkad dhijitaal ah oo si hal'abuur ku dheehan yahay u wada qabata dhammaan adeegyada dhijitaalka ah, fadhigeeduna yahay magaalada caasimadda ah ee Garoowe, Butlaan, Soomaaliya. Halkaan waxaan u joognaa in aan heer sare gaarsiinno ganacsigaaga, kaliya ma ahan ganacsiyada, sidoo kale waxaan la shaqaynaa Hay’adaha Aan Dawliga Ahayn (NGOs), Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadeed, Hay’adaha Dawliga Ah, shakhsiyaadka caanka ah, iwm.

Naqshadaynta Website-yada

Waxaan ku faraxsannahay in aan kuu dhisno website caalami ah, si aan u dhisno sumcaddaada online-ka iyo awooddaada dhijitaalka ah ee aad uga dheerayn karto tartamayaashaada.

Shakhsiyadda Ganacsiga

Marna ha yaraysan naqshadaha iyo summadaha muuqda ee ganacsigaaga ama mashruucaaga. Waxaan diyaar u nahay in aan kuu samaynno hagaha shakhsiyadda ganacsiga, ma ahan oo kaliya calaamadaha

Suuqgeynta Dhijitaalka Ah

Iska indho tirka suuqgeynta internet-ku waxay la mid tahay adiga oo ganacsi furey balse aan cidna u sheegin. Waxaan diyaar u nahay in aan kaala shaqaynno suuqgeynta dhijitaalka ah si aan kuugu soo xirno dadkii saxda ahaa.

Sawirro & Muuqaallo

Fursad u sii kooxdayada xeeldheerayaasha ahi in ay cajab galiyaan macaamiishaada, iyaga oo duubaya muuqaallo iyo sawirro ashqaraar leh. Waxaan samaynaa muuqaallada xayaysiimaha, muuqaallada badeecadaha, muuqaallada shirkadaha, dokuminteriyada, iyo qaar kaloo badan.

Barnaamijyada Teleefannada (Mobile App)

Xogtii ugu danbaysay waxay sheegaysaa in 86.29% bulshada caalamku ay adeegsadaan teleefannada gacanta (siiba smartphone), haddaba waxaan diyaar u nahay in aan kuu dhisno barnaamij teleefan (mobile app) kuu gaar ah.

demo-attachment-117-Path-18
demo-attachment-118-Path-19
demo-attachment-119-Path-948
demo-attachment-115-Group-11
demo-attachment-116-Path-17
Isbaahi Digital Agency

Nagu Saabsan

waxaan diyaar u nahay in aan kula shaqayno

Isbaahi ahaan waxaan aaminsannahay "professionalism"-ka waxa la yiraahdo, taas oo ah in shaqada loo qabto sida ugu habboon ee caalamka looga qabto. Jaceyl gaar ah ayaan u qabnaa arrinkaas, waana u soo diyaar garownay, ujeedkayaguna waxaa weeye in aan dadka uga faa'idaynno.

Si guud waxaan xoogga saarnaa in caalamka dhijitaalka ah lagu yeesho boos (online presence) sida dhisidda iyo naqshadaynta "website"-yada, dhisidda "application"-nada, iyo abuuridda baraha bulshada; sidoo kale waxaan xoogga saarnaa suuqgeynta dhijitaalka ah sida; kordhinta dadka soo booqda website-ka (SEO), suuqgeynta baraha bulshada, maamulidda baraha bulshada, suuqgeynta iimeeyllada, iyo qaar kaloo badan.

Waxaan sidoo kale awoodda saarnaa xiriirka dadwaynaha (public relations), macluumaad abuurista (content creation), dhisiddda shakhsiyadda ganacsiga (branding), soo saarista muuqaallada iyo sawirrada, latalinta arrimaha dhijitaalka ah, naqshadaynta guud (graphic designs), dhisidda sooftiweerrada, iyo qaar kaloo badan.

Waxaan ku faraxsannahay in aan kula shaqaynno, si aad uga mid noqoto dadka nasiibka u helay adeeggeenna tayada leh.

 

demo-attachment-115-Group-11

Shaqooyinkii Aan Qabannay

Website-yadii ugu danbeeyay ee aan dhisnay

Shaqadayadu iyada ayaa iskeed u hadlaysa. Hoos waxa ka muuqda qaar kamid ah shaqooyinka aan dhammaystirnay. Waannu ku faraxsannahay in aan adigana kula shaqaynno. Waxaan la qabsannay in aan fahanno qofka aan la shaqaynayno waxa maankiisa uga sawiran, oo aan u beddelno dhab. Booqo bogga boortifooliyada oo ku indho doogso wixii aan qabannay.

Kooxdayada

La kulan Team-keenna

Waxaan nahay koox leh xirfado kala duwan oo midaysan, doonayana in ay ganacsigaaga ama mashruucaaga gaarsiiyaan heer sare, iyaga oo dhagaysanaya ama fahmaya baahiyahaaga, maskaxdana ku haya hal hadaf oo ah: in xaqii aad ku lahayd caalamka dhijitaalka ah laguu soo dhiciyo. Wadashaqaynta kooxdayadu waxay kuu sahlaysaa in ay ku gaarsiiyaan natiijo la cabbiri karo, maadaama ay raacayaan istaraatiijiyad cad iyo hal'abuur. Kooxdayada waxaa astaan u ah dadaal iyo karti.

maxamed jaarlees

Maxamed Jaarlees

La-aasaase Ahna Madaxa Tiknoolajiyadda
Madaxa Tiknoolajiyadda (CTO), Website Naqshadeeye, Macluumaad Qore, & Madaxa Maaliyadda.
siciid

Siciid Codey

La-aasaase Ahna Madaxa Suuqgeynta
Madaxa Suuqgeynta, (CMO), Xiriirka Dadwaynaha (PR), Madaxa Shaqaalaha (HRM), & Prompt Engineer.
demo-attachment-195-Mask-Group-872@2x

Mike Borra

Sooftiweer Dhise
Injineer Dhisa Noocyada Kala Duwan Ee Sooftiweerrada.
Cimraan (1)

Cimraan Cajab

Naqshadeeye
Xeeldheere Dhanka Dhisidda Shakhsiyadda Ganacsiga.
maxamed cismaan

Maxamed Cismaan

Sawir Iyo Muuqaal qaade
Xeeldheere Dhanka Sawir Qaadista & Muuqaal Samaynta.
sakariye

Zakariye M. I. Gambool

Maamule Baraha Bulshada
Xeeldheere Dhanka Maamulidda Baraha Bulshada Iyo Suuqgeyntooda.

MAQAALLADA

Maqaalladii u danbeeyay

Kaliya adeegyo dhijitaal ah ma bixinno, sidoo kale dadka ayaan macluumaad la wadaagnaa si ay aqoon fiican iyo baraarug ugu yeeshaan caalamka dhijitaalka ah.