Nagu Saabsan

Cid kasta lama shaqayno, adiga oo kale ayaan la shaqaynaa

Waxaan ku shaqaynaa marka koowaad istaraatiijiyad, marka labaad xeelad. Xeelad bilaa istaraatiijiyad ah ma shaqayso. 

KUMA AYAANNU NAHAY?

waxaannu nahaykoox adigakuu gaar ah

Waxaannu nahay shirkad dhijitaal ah oo si hal'abuurnimo ku dheehan tahay u wada qabata adeegyada dhijitaalka ah, fadhigeeduna yahay magaalada caasimadda ah ee Garoowe, Butlaan, Soomaaliya. Waxaannu nahay koox kala xirfado duwan oo u diyaarsan in ay kaala shaqeeyaan mashruucaaga ama ganacsigaaga, dhanka adeegyada dhijitaalka ah.

Maxaad Nagu Dooran?

Waxaannu nahay koox ku hubaysan xirfado dhijitaal ah oo casri ah, khibrad iyo kartina u leh waxa ay qabanayaan, diyaarna u ah in ay adiga kaala shaqeeyaan mashruucaaga ama ganacsigaaga. Badanaa Soomaalidu dadkii saxda ahaa shaqada uma dirsadaan, taas oo keenta dibdhac iyo tayo xumo.

Annagu waxaan gaar la nahay maskax furnaan, edaab, boroofishnaalisim, shaqo wanaag, iyo aqoon aan u leennahay waxa aan kuu qabanayno.

Ku mahadsanid in aad na soo booqatay, waxaan ku faraxsannahay in aad meeshii saxda ahayd joogto, waan soo dhawaynaynaa wadashaqayntaada.

Hiigsigeenna

Hiigsigeennu waa in aan ka caawinno ganacsiyada iyo mashaariicda kalaba, adeegyada dhijitaalka ah, waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waxaa naga go'an in aan u keenno ganacsiyada iyo mashaariicda aan la shaqaynayno, natiijo la cabbiri karo oo wax-ku-ool ah, korna u qaadi doonta sumcaddooda dhijitaalka ah iyo shaacsanaantooda.

Hiraalkeenna

Hiraalkeennu waa in aan noqonno shirkad dhijitaal ah oo caalami ah, hormuudna u noqota shirkadaha aynigeeda ah ee waddanka, iyo dhammaan gobolka oo dhan, annaga oo gaar la ah adeegyadeenna hufan iyo hindisaheenna shaqo. Waxaan hiigsanaynaa in aannu noqono shirkad hal mar laga wada helayo dhammaan adeegyada kala duwan ee dhijitaalka ah iyo wixii la xiriira, si ganacsatada, ururrada, iyo mashaariicaha oo dhan ay u helaan cid ka furata hawshaas culus ee dhanka dhijitaalka.

Hannaankeenna

Isbaahi ahaan waxaan aaminsannahay in ganacsi kasta ama mashruuc kasta uu wax la gaar yahay, una baahan yahay in loo kuurgalo inta aan shaqada loo bilaabin, si loo fahmo baahiyihiisa dhabta ah ee dhanka dhijitaalka. Waxaan qaadannaa wakhti ku filan si aan u fahanno arrinkaas, deedna waxaan u soo bandhignaa qaabka aan u wada shaqaynayno, iyo waxa loo qabanayo, annaga oo marinna habraac fudud oo labada dhinacba tixraac u noqon doona, sidaas ayaana shaqada ku bilawnaa.